Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaab ku xigeenka Wajeer oo la dhaarinaya

Barasaab ku xigeenka Wajeer oo la dhaarinaya

Waxaa lagu wadaa in dhawaan xilkiisa loo dhaariyo Haashim Muuse Yuusuf oo barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar uu horraantii bishii hore u soo xushay inuu ku xigeen u noqdo.
27-kii bishii siddedaad ee sanadkan ayay ahayd markii guddoomiyaha guddiga qaabilsan xafladda dhaarinta barasaabka ku xigeenka Wajeer Cabdullahi Xasan Macallin uu arrinkan ku soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Tallaabada uu xafiiska kula wareegayo Haashim Muuse ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii wakiillada golaha hoose ee ismaamulkaasi ay horay u turxaan bixiyeen kadibna la ansaxiyay.
Xilka barasaab ku xigeenka dowlad deegaanka Wajeer ayaa bannaanaaday bishii shanaad ee sanadkan xilligaasi oo Axmad Cali Mukhtaar laga dhigay guddoomiye maadaama xilka laga qaaday Maxamad Cabdi Maxamuud oo Wajeer hoggaaminayay.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacaysa xarunta dhexe ee dowlad deegaanka Wajeer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments