Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Saddex qof oo ku dhimatay dhisme ku dumay Kiambu

DHAGEYSO:Saddex qof oo ku dhimatay dhisme ku dumay Kiambu

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kiambu ayaa sheegaya in la xaqiijiyay dhimashada saddex qof oo ka mid ahaa howlwadeeno gacanta ku hayay dhismaha guri ka kooban 5 dabaq oo soo dumay shalay.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay deegaan baarlamaneedka Kiambaa ee dowlad deegaankaasi.
Barasaabka Kiambu James Nyoro ayaa sheegay in weli la raadinaya mulkiilaha dhismaha soo dumay .
Waxaa uu xusay in aan loo hoggaansamin amar lagu joojiyay dhisidda gurigaas ka hor inta uunan burburin.
Wararka ayaa intaa ku daraya in hadda ay socdaan howlaha samata bixinta ee lagu raadinaya labo howlwadeen oo la rumeysan yahay inay weli ku hoos xanniban yihiin burburka.
Sagaal qof oo dhaawacmay oo la soo badbaadiyay ayaa hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalayaa.
Xildhibaanka deegaanka Kiambaa Njuguna Wanjiku ayaa dowladda gaar ahaan maamulka qaabilsan kormeerka dhismooyinka baaq u diray si mustaqbalka looga hor taggo dhibaatada shalay dhacday oo kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments