Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo ka qayb galay shirka dacwad oogayaasha bariga Afrika

Nuurdiin Xaaji oo ka qayb galay shirka dacwad oogayaasha bariga Afrika

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa ka qayb galay shirka sanadlaha ee ay maalinkii labaad magaalada Arusha ee dalka Tanzania ku yeelanayaan dacwad oogayaasha qaaradda si gaar ah kuwa bariga Afrika.
Shirka ayaa diiradda lagu saarayaa ka hor tagga ugaarsiga duurjoogta oo loo aqoonsaday dembi dhaqaale.
Nuurdiin ayaa jaaliyadda bariga Afrika ee EAC uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixinayso in wadamada kala duwan ee xubnaha ka ah ay adeegsadaan istaraatiijiyad ay ka siman yihiin oo lagula tacaalaya falal dambiyeedyada.
Waxaa uu sidoo kale tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in la sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa waaxyaha kala duwan ee jaaliyadda.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda Kenya ayaa soo jeediyay in hal meel ah looga soo wada jeesto falal dambiyeedyada sida musuqmaasuqa , tahriibka, khiyaanada maaliyadeed ama lacagaha faaliska ee la sifeeyo, ganacsiyada kale ee sharci darrada ah, argagixisada iyo waxyaabaha la midka ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta uu waaxyaha qaabilsan badbaadinta duurjoogta ku ammaanay waxqabadkooda iyo dadaallada ay wadaan ee ka dhanka ah ugaarsiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments