Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday nin Garissa ka tagay oo...

Maxkamadda ciidamada Soomaaliya oo xukun ku riday nin Garissa ka tagay oo ku biiray Daacish

Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland.
Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista.
Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab.
Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments