Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raila “Ruto waxaa uu khiyaanay madaxweyne Uhuru Kenyatta isagoo ka soo horjeeystay...

Raila “Ruto waxaa uu khiyaanay madaxweyne Uhuru Kenyatta isagoo ka soo horjeeystay heshiiskeeni”

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ku dhaliilay ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto inuu hormuud u yahay shakhsiyaadka kasoo horjeeda heshiiskii taariikhiga ahaa ee dhex maray 9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii asaga iyo madaxweynaha dalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in Ruto uu ku qaldanaa inuu hoggaamiyo olole ka dhan ah is gacan qaadkii asaga iyo Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ay dhinac iskaga dhigaan khilaaf siyaasadeed oo u dhexeyay iyagoo u daneynaya dalka.
Waxaa uu sheegay beddelkii uu madaxweynaha dalka garab ka siin lahaa ajeendayaasha hormarineyd ay u ballan qaadeen kenyaanka oo ka doorbiday danihiisa gaarka ah.
Raila ayaa sheegay in asaga iyo madaxweynaha dalka ay go’aansadeen inay is -gacan qaadaan si ay u mideeyaan shacabka kenyaanka.
Waxaa uu xusay in isgacan-qaadkii u horseeday in dowladda ay si dhow ula socoto mashaariicda horumarineed ee dalka.
Waxaa uu intaa in ku daray inuu filaayay in Dr Ruto uu taageerro go’aanka dowladda iyo mucaaradka lagu mideenayay, balse taa beddelkeeda uu doortay inuu qaado waddo kale oo aan waxtar u lahayn dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments