Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Wasiir Fiqi "Waan la xisaabtameynaa dadka lacagaha siiya Al-Shabaab”

Wasiir Fiqi “Waan la xisaabtameynaa dadka lacagaha siiya Al-Shabaab”

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Galmudug iyo Puntland ay iska kaashan doonaan sidii loo soo afjari lahaa Xubnaha ka tirsan Ururka Al-Shabaab Ee ku sugan degaanno ka tirsan Koonfurta Galmudug.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Puntland & Galmudug ay ka go’aan tahay sidii loola dagaalami lahaa Al-Shabaab, waxaana uu si cad u sheegay inay yaraatay awoodda kooxdaasi.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dagaalkii degaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug ka dhacay Al-Shabaab looga digay in ka badan 250 dagaalyahan, waxaana uu qiray inay dhawaan Al-Shabaab qabsadeen Gaadiid dagaal.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaa uga digay dadka lacagaha siiya Al-Shabaab, waxana uu sheegay in dadkaasi lala xisaabtani doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments