Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 2 burcad ah oo lagu dilay Kisumu

2 burcad ah oo lagu dilay Kisumu

Saraakiisha ammaanka ayaa labo qof oo burcad hubeysan ah ku dilay ismaamulka Kisumu.
Shakhsiyaadkan la dilay ayaa la sheegay in ay ka tirsaneyeen koox burcad ah oo dhac u geysanayay dadka deegaanka saacadaha bandowga habeenkii.
Waxaa sidoo kale baxsaday 13 kale oo burcad ah, iyadoo qaar ka mid ah ay dhaawacyo soo gaareen.
Taliyaha booliska ee bariga ismaamulka Kisumu James Musyimi ayaa warbaahinta u sheegay in burcadda looga shakisan yahay inay ka dambeeyaan dhac laga gaystay qaybo ka mid ah dowlad deegaankaasi.
Burcadda ayaa adeegsata qalab ay guryaha la dagan yahay ku jabiyeen si ay u xadaan waxyaabaha qiimaha leh ama qaaliga ah.
Mr. Musyimi ayaa sheegay in boolisku ay talaabo qaadeen ka dib markii la arkay tiro dhallinyaro ah oo safrinaya alaabo la tuhunsan yahay in la soo xaday.
Waxaa uu xusay in weerar gaadmo ah ay ku qaadeen kooxda burcadda oo ka koobnaa 15 dhallinyaro ah oo ay da’adooda ka hooseeysa 25 sano.
Waxaa uu intaa ku daray in dhallinyarada ay ku hubeysnaayeen baangado halka qaarkood ay qoryo haysteen.
Tuugada ayaa markii ay arkeen inay si kadis ah kula kulmeen saraakiisha ammaanka ayaa waxay doorbideen inay dagaal la galaan booliska.
Dhanka kale taliyaha booliska ayaa uga digay dhallinyarada inay ku kacaan falal dambiyeed noocaan oo kale wuxuuna wacad ku maray inaysan nasan doonin ilaa gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadka dhaca gaysto.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments