Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xisbiga TSP oo u sharraxan dhammaan jagooyinka musharraxnimo marka laga reebo kan...

Xisbiga TSP oo u sharraxan dhammaan jagooyinka musharraxnimo marka laga reebo kan madaxweyninimo

Xisbiga TSP ayaa shaaca ka qaaday inay u sharraxan yihiin jago kasta oo la doorto marka laga reebo jagada madaxweynenimo ee doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Waxaa uu xisbiga sheegay inuu u diyaargaroowaya codbixinta sida weyn loo sugayo, islamarkaana dhawaan uu u wici doona musharraxiinta doonaya in xisbigooda ku matalaan doorashada guud ee soo socota.
Hoggaamiyaha xisbiga TSP Mwangi Kiunjuri ayaa xusay in kenyaanka ay cod dheer ku sheegay in markan aysan u codeyn doonin siyaasiyiinta danaha gaarka wata.
Hadalkan ayuu ka jeediyay ismaamulka Embu ka dib kulan wadatashi ah oo labo cisho socoday islamarkaana uu la yeeshay musharraxiinta u tartamaya kuraasta baarlamaanka iyo guddoomiyaasha ismamuullada kuwaas oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee dalka.
Waxaa uu ku boorriyay golaha qaran ee xeer dejinta inay si degdeg ah ula socdaan dhammaan sharciyada la xiriira doorashada si doorashooyinka guud ay si hufnaan ah dalka uga qabsoomaan.
Waxaa uu dhanka kale ugu baaqay shacabka kenyaanka ah inay qaataan kaararka aqoonsiga ee qaran ee ID ayna iska diiwaan geliyaan codbixinta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments