Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in loo baahan yahay isbeddel ballaaran oo dhanka...

DHAGEYSO:Guddoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in loo baahan yahay isbeddel ballaaran oo dhanka hoggaanka ah

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in wax laga beddelo hoggaanka ugu sarreeya dalka si loola dagaallamo musuqmaasuqa.
Mr. Muturi oo la kulmay ganacsatada ismaamulka Nairobi ayaa dhanka kale xusay inuu sanadka 2022-ka u tartami doono xilka madaxtinimo.
Guddoomiyaha baarlamaanka waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah hoggaamiyaasha wadanka hoggaamiyo ay ku lug leeyihiin falalka wax isdaba marinta sidaasi awgeedna aan laga filan karin inay dhacdooyinkan soo afjaraan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in loo baahan yahay isbeddel dhanka xeerarka ah si loola tacaalo caqabadaha haysto ganacsatada yaryar.

Mr. Justin Muturi waxaa uu soo hadal qaaday arxaan darrada ay qaar ka mid ah ciidamada booliska kula kacaan shacabka taasoo uu xusay in laga habboon yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments