Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo bisha sagalaad helaysa 1.7 milyan oo ah tallaalka COVID19

Kenya oo bisha sagalaad helaysa 1.7 milyan oo ah tallaalka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa sheegtay inay rajeynayso in bartamaha bisha sagalaad ee sanadkan wadanka la soo gaarsiiyo daawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 oo gaaraya 1.7 milyan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Dr .Willis Akhwale oo ah guddoomiyaha guddiga dowladda dhexe ay u xilsaartay qaybinta tallaalka.
Dr. Akhwale ayaa xusay in tan iyo markii cudurka lagu arkay Kenya ilaa 21-kii bishan dowladda Kenya ay heshay qiyaastii 3.6 milyan oo daawooyin ah kuwaasoo isugu jiro noocyada kala ah Oxford AstraZeneca iyo Moderna.
Mas’uulkan ayaa nooca daawada tallaalka ee la filayo bisha sagalaad ku sheegay Pfizer.
Waxaa uu tilmaamay in marka la gaaro bartamaha bisha sagalaad wadarta guud ee daawooyinka ay Kenya la soo wareegtay ay noqon doonto 4.5 milyan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in dhammaadka bisha 12-aad ee sanadkan caabuqa corona laga tallaalo 10 milyan oo Kenyaan ah sidoo kalena in bisha lixaad ee sanadka soo socdo tiradan ay gaarto ugu yaraan 26 milyan oo qof.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments