Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 6 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay meel u dhow Nakuru

6 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay meel u dhow Nakuru

Shil laga soo tabiyay meel aan ka fogeyn ismaamulka Nakuru ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 6 ruux.
Waxaa uu shilku u dhexeyay mid ka mid ah baabuurta dadweynaha iyo gaari xamuul qaada.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in labada baabuur ay isku dhaceen xilli ay marayeen goobta loo yaqaano Mbaruk ee waddada wayn ee ismaamullada Nakuru iyo Nairobi.
Taliyaha booliska Nakuru Beatrice Kiraguri ayaa warbaahinta u sheegtay in shilku uu dhacay abaare 7-dii fiidnimo ee xalay ka dib markii wadihii baabuurka xamuulka uu lumiyay xakameynta gaariga taasoo keentay inuu ku dhaco baska yar.
Waxaa hadda la daweynayaa saddex qof oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments