Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Bangiga Equity oo beeniyay inuu Haaruun Aydiin siiyay 15 bilyan oo shilin

Bangiga Equity oo beeniyay inuu Haaruun Aydiin siiyay 15 bilyan oo shilin

Mas’uuliyiinta bangiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Equity Bank oo maanta ka soo hormuuqday guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ayaa beeniyay inuu lacag amaah ah oo dhan 15 bilyan oo shilin siiyay Haaruun Aydiin.
Aydiin oo ah ganacsade u dhashay dalka Turkiga ayaa horay looga tarxiilay Kenya ka dib markii lagu eedeyay wax isdaba marin maaliyadeed.
Bangiga ayaa intaa ku daray in ganacsadahan uunan ka mid ahayn macaamiishiisa .
Agaasimaha guud ee bangiga Gerald Warui ayaa xubnaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka u sheegay inaysan jirin cid soo wacday iyadoo doonaysa in amaah la siiyo Aydiin.
Guddiga ayaa baaritaano ku sameynayo hadallo uu jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ay saaxiibo yihiin ganacsadaha dalka laga musaafuriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments