Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo loo dhaariyay xilka madaxweynenimo

Hogaamiyaha mucaaradka Zambia oo loo dhaariyay xilka madaxweynenimo

Hogaamiyaha cusub ee Zambia Hakainde Hichilema ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ka dib guushii doorashada oo lagu tilmaamay inay tahay mid naadir ah marka loo eego taariikhda dimuqraadiyadda Afrika.
Hichilema, oo 59 jir ah, ayaa loo dhaariyay xafiiskan Talaadada maanta ah iyada oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen kumanaan ah taageerayaashiisa ee caasimada Lusaka.
Hichilema waa markii lixaad ee uu u tartamayay jagada madaxweynenimada, wuxuuna kaga adkaaday madaxweynihii xilka hayay Edgar Lungu oo 64 jir ah, ku dhawaad hal milyan oo cod.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments