Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo turxaan bixinaya saraakiil ku biiraya IEBC

Baarlamaanka oo turxaan bixinaya saraakiil ku biiraya IEBC

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa maanta billaabay inuu turxaan bixin ku sameeyo 4 qof oo doonaya inay ka mid noqdaan saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu magacyada shakhsiyaadkan ku wareejiyay baarlamaanka ka dib turxaan bixin muddo socotay.
Saraakiishan ayaa kala ah Juliana Whonge,Francis Mathenge Wanderi,Irene Cherop Masit iyo garsoore Abonyo Nyang’aya.
Hadii la ansaxiyo waxay buuxin doonaan jagooyinkii ay sanado ka hor iska casileen Paul Kurgat, Margaret Mwachanya , Connie Maina iyo Roselyn Kwamboka Akombe .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments