Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ku xigeenkiisa u soo jeediyay inuu is casilo

Madaxweynaha dalka oo ku xigeenkiisa u soo jeediyay inuu is casilo

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku xigeenkiisa William Ruto kula taliyay inuu is casilo hadii uunan ku qanacsanayn ka mid ahaanshaha maamulka talada haya ee Jubilee.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in aynan suurtagal ahayn in qof mas’uul ah uu dhaliilo waxqabadka maamul dowladeed oo uu ka tirsan yahay .
Mr. Kenyatta waxaa uu tilmaamay inuu jiro qorsho dhanka horumarka ah oo lagu soo doortay sidaas awgeedna uu doonayo inuu fuliyo balse cidii aan la jaanqaadi karin ay fasax u tahay inay xafiiska banneyso.
Madaxweynaha ayaa ku xigeenkiisa oo uunan si toos ah u carrabaabin ku eedeyay inuu jahawareer ku beeray codbixiyayaasha .
Waxaa uu ku celceliyay in William Ruto laga doonayo inuu mowqifkiisa caddeeyo maadaama uunan hal mar ammaan iyo dhaliil u jeedin karin dowladda talada haysa.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa carrabka ku adkeeyay in aan marnaba laga weecin doonin ka dhabeynta ballanqaadyadii uu u sameeyay kenyaanka xilligii ololaha doorashada.
Hoggaamiyaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaan sidii hore isugu dhaweyn tan iyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee uu Uhuru la gaaray madaxa xisbiga ODM Raila Odinga bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii.
William Ruto ayaa marar badan sheegay in maamulka Jubilee laga mashquuliyay fulinta barnaamijyadii horumarineed taasoo horseeday hoos u dhac dhanka waxqabadka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments