Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga degmada Afgooye oo maanta xiran

Qaar ka mid ah goobaha ganacsiga degmada Afgooye oo maanta xiran

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta ay xiran yihiin inta badan Goobaha Ganacsiga ee ku yaal degmadaas Sababo la xiriira xiisad halkaas ka taagan.
Sababaha Goobaha Ganacsiga Afgooye Maanta u xiran yihiin ayaa waxaa lagu sheegay kadib markii maleeshiyaad hubeysan lagu arkay Wadda u dhexeysa Labada buundoee degmada Afgoye.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye ayaa warbaahinya gudaha u sheegeen in maleeshiyadka ay ka careysan yihiin burburin ay ka war heleen in lagu sameeynayo Guryo ku yaal Xaafada waanjeel ee ku taal Waaxda 21 Octoober ee Degmada Afgooye.
Maamulka degmada Afgooye iyo laamaha Amniga degmadaas weli kama hadlin xiisadaan,Shalay ayaana waxaa degmada Afgooye ka dhacay dibadbax ay dhaigayeen dadka ku nool Xaafada waanjeel ee Waaxda 21 Octoobar, kuwaas oo sheegayay in aysan marnaab aqbaleyn in Guryahooda la burburiyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments