Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Galmudug oo sheegtay inay gobolka Mudug kaga adkaadeen Al-Shabaab

Galmudug oo sheegtay inay gobolka Mudug kaga adkaadeen Al-Shabaab

Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug Cabdiraxamaan Sheekh Xasan ayaa ka hadlay dagaaladii iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay degaano ka tirsan Gobolkaas.
Guddoomiyaha oo ka qaybgalay kulan ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaaladaas ay Ciidamada guulo waaweyn ka gaareen, isla markaana Al-Shabaab ay guuldaro xooggan la kulmeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in xilligaan aysan Al-Shabaab awood u laheyn inay ka hortagaan howlgallada Ciidamada, waxaana Bulshada ku nool Gobolka Mudug loogu baaqay inay la Shaqeeyaan Ciidamada dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug Cabdiraxamaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in qorshuhu yahay sidii guud ahaan degaannada Gobolka Mudug laga saari lahaa Al-Shabaab oo uu sheegay inay kaliya kusoo koobmeen miinooyinka ay wadooyinka ku Aasayaan.
Hadalkan kasoo yeeray Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug howlgalladii ugu dambeeyay ay kula wareegeen degaano dhowr ah.
Dhanka kale Ciidamada dowladda Soomaaliya gar ahaan guutada 15aad ee ku sugan gobolka Galgaduud oo ay wehlinayeen ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ayaa howlgal kula wareegay degaanka Sina-dhaqo oo Koonfurta kaga beegan Magalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii xalay Al-Shabaab ay weerar hoobiyeyaal ah ku qaadeen Garoonka diyaaradha Magaalada Dhuusamareeb.
Saraakiisha Guutada 15aad ee Qaybta 21aad Ciidamda Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay guud ahaan Al-Shabaab kala wareegeen degaanka Sina-dhaqo ee Koonfurta Magalada Dhuusamareeb, isla markaana dagaal kooban oo ka dhacay ay khasaaro ku gaasriiyeen.
Sidoo kale saraakiisha waxay Tilmaameen in degaanka Sina-dhaq ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen weerarada qorsheysan , la wareegitaankaan uu muhiim u yahay amniga Magaalada Dhuusamareeb.
Ugu dambeyn saraakiisha Guutada 15aad waxaay sheegeen inay howlgallada sii wadi doonaan, iyaga oo kaashanaya Ciidamada jabuuti ee AMISOM qaybta ka ah ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga degaannada ku dhow dhow Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments