Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Shirka golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirka golaha wadatashiga qaran ee Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa saacad ka hor ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.
4 ka mid ah maamul gobleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare.
Mamaulka Hirshabeele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.
Maamullada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments