Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda KEBS oo shacabka uga digtay inay iibsadaan 27 nooc oo galley...

Waaxda KEBS oo shacabka uga digtay inay iibsadaan 27 nooc oo galley iyo bur

Waaxda dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) ayaa liiska madow ku daray 27 nooc oo galley iyo bur ka dib markii ay buuxin waayeen heerarkii laga doonayay ee dhanka tayada.
Noocyada galleyda caadiga ah ee liiska madow lagu daray waxaa ka mid ah; Pembe, Budget, Equatorial Ugali Afya iyo Fahali.
Waxaa sidoo kale liiskan lagu daray Riri, Sima Tamu, Tupike, Ugali Bora, Unga Sawa, Uwezo iyo Ziwa.
Bayaan ay soo saartay waaxda KEBS ayay ku sheegtay in shirkadaha soo saaro raashinkan aysan u hoggaansamin shuruudaha looga baahnaa sidaa darteedna dadweynaha lagu wargeliyay inaysan iibsan.
Maamulka dowladda dhexe u qaabilsan xaqiijinta tayada badeecooyinka ee (KEBS) ayaa amartay shirkadahan inay joojiyaan wax soo saarkooda ilaa ka tayeeyaan waxyaabaha ay iib geeyaan.
Waxaa sidoo kale la faray inay dib u soo celiyaan dhammaan badeecooyinkii ay iib geeyeen islamarkaana tayadoodu liidatay.
Sanadkii hore ayay ahayd markii waaxda KEBS ay amartay in suuqa laga saaro 17 nooc oo galley ah oo ay sheegeen in ay ku jiraan waxyaabo badqabka aadanaha dhibaato u keeni karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments