Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Raila Odinga oo gaaray Nakuru

DHAGEYSO:Raila Odinga oo gaaray Nakuru

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa socdaal ku tagay ismaamulka Nakuru si uu u xoojiyo taageeradiisa siyaasadeed.
Waxaa uu mar kale soo hadal qaaday sidii ay ku timid in sanadkii 2018-kii ay heshiiyeen isaga iyo madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Raila ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay in sare loo qaado mideynta shacabka.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale xusay in loo baahan yahay xal u helidda qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay inay qaataan tallaalka COVID19.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in iyadoo laga qiyaas qaadanaya wadamada kale ee caalamka la sameyn karo qaab lagu kobcinaya dhaqaalaha.

Socdaalka Raila ee Nakuru ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Naivasha ay kulan ku yeelanayaan siyaasiyiinta ku midoobay ururka OKA ee kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka , Gideon Moi iyo Moses Wetangula.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments