Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ku baaqay in la soo dhiso...

Golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo ku baaqay in la soo dhiso maamulka cusub ee Afghanistan

Golaha amniga ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa soo jeediyay in la billaabo wada hadallo lagu soo dhisaya dowladda cusub ee wadanka Afghanistan.
Xubnaha golahan ayaa sidoo kale ku taliyay in la soo afjaro dagaallada iyo tacaddiga.
Tani ayaa timid ka dib markii xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres uu ka digay in kooxda Taalibaan ay ka tallaabsanayso xuquuqul aadanaha iyadoo tacaddi u gaysanayso haweenka iyo gabdhaha yaryar.
Guterres ayaa 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee qaramada midoobay ka codsaday inay sameyaan qaab kasta oo lagu caburinayo waxa uu ku tilmaamay khatarta argagixiso ee caalamka kaga imaanaysa dhanka Afghanistan.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments