Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Eedeysane ka dambeeya dilka afar qof oo gacanta lagu dhigay

Eedeysane ka dambeeya dilka afar qof oo gacanta lagu dhigay

Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa gacanta ku dhigay eedaysane ka dambeeya dilka afar wiil oo dhallinayaro ah.
Waxaa uu dilalkan ka gaystay magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado toddobaadki hore.
Waaxda DCI-da ayaa magaca tuhmanaha ku sheegay Benson Melonyie ole Mungai, oo ay da’adiisu tahay 40 sano jir.
Waxaa xalay fiidkii laga soo qabtay hoygiisa oo ku yaalla magaalada Kitengela halkaasi oo uu dhumaaleysnayay.
Saraakiisha ammaanka ayaa rumeysan in Mungai uu isku dubariday dilka afarta dhallinyaro oo ay da’adoodu u dhaxeyso 25-ilaa 30 sano jir.
Afarta wiil ee dhallinyarada ayaa ayaa ahaa saxiibbo aad isugu dhawaa iyadoo lab ka mid ah ay walaalo ahaayeen.
Waxaana meydadkooda oo la jarjaray lagu arkay nawaaxiga webiga Munjiriri ee deegaanka Kitengela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments