Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Barasaab ku xigeenka cusub ee Wajeer oo maanta la turxaan bixinaya

Barasaab ku xigeenka cusub ee Wajeer oo maanta la turxaan bixinaya

Guddiga golaha hoose ee ismaamulka Wajeer u qaabilsan qiimeynta mas’uuliyiinta loo soo magacaabo xilalka kala duwan ayaa la filayaa inuu maanta turxaan bixiyo Haashim Muusa Yuusuf.
Horraantii bishan ayay ahayd markii uu shakhsigan oo macallin ah uu soo xushay guddoomiyaha Wajeer Axmad Cali Mukhtaar si uu ku xigeen ugu noqdo.
Xilka barasaab ku xigeenka Wajeer ayaa bannaanaday 18-kii bishii shanaad ee sanadkan ka dib markii jagada guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyay Axmad Cali Mukhtaar oo ku xigeen u ahaa Maxamad Cabdi Maxamuud oo xilka laga xayuubiyay.
Turxaan bixinta Haashim Muusa ayaa billaaban doonto abaare 10-ka barqanimo ee maanta.
Tani ayaa ku soo beegmaysa iyadoo 4-tii galabnimo ee shalay ay soo idlaatay muddo loo qabtay in cid kasta oo ka soo horjeedda magacaabidda Haashim ay warbixin soo gudbiso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments