Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo amray in la soo xiro boolis lagu eedeyay inay...

Nuurdiin Xaaji oo amray in la soo xiro boolis lagu eedeyay inay labo wiil ku dileen Embu

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa soo saaray amar lagu soo xiraya 6 sarkaal oo ka mid ah ciidamada booliska ee wadanka.
Askartan ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil dhawaan loogu gaystay ismaamulka Embu labo wiil oo walaalo ah.
Meydadka wiilashan oo lagu kala magacaabi jiray Benson Njiru iyo Emmanuel Mutura ayaa la helay iyadoo ay ku jireen gacanta booliska.
Shalay ayay ahayd markii taliyaha guud ee booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai uu sheegay in saraakiisha si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay.
Amarka lagu soo xiraya ee ka soo baxay Nuurdiin Xaaji ayaa ku soo beegmaya ka dib markii uu warbixin ka helay maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA oo baaritaano dhacdadan la xiriira soo gabagabeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments