Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Rw Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar

Rw Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Masar

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta ee dalka Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira oo ah Caasimadda dalka Masar.
Waxaa uu casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha wadanka Masar Cabdulfataax Alsiisi, isaga oo kulan la qaadan doono Madaxda dalkaas.
Rw Rooble oo safarkiisa ay ku weheliyaan xubno katirsan Golihiisa Wasiirrada iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona Madaxda Dalka Masar & jaaliyadda Soomaliyeed inta uu joogo Magaalada Qaahira.
Tan iyo markii lagu wareejiyay mas’uuliyadda amni iyo doorasho ee dalka waxaa uu bilaabay soo celinta xiriirkii Soomaaliya ay la laheyd dalalka qaar ee xumaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments