Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Boqolkiiba 2.7 ee dadka waawayn oo ilaa iyo hadda qaatay tallaalka COVID19

Boqolkiiba 2.7 ee dadka waawayn oo ilaa iyo hadda qaatay tallaalka COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa tirada dadka waawayn ee helay tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19 ku sheegtay boqolkiiba 2.7.
Macluumaadka wasaaraddu ay diiwaangelisay ilaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 14-ka bishan siddeedaad ayaa muujinaya in la bixiyay 2,033,277 kuuro oo ah tallaalka COVID19.
Wajigii koowaad ee tallaalka dowladda ayaa adeegsatay 1,287,010 oo daawooyinka ah halka 746,267 lagu isticmaalay wajiga labaad.
Marka la eego dadka tallaalka qaatay labo mar waxay tiradoodu u dhigantaa boqolkiiba 58.0.
Tiradan waxaa ugu badan raga oo ah 55 boqolkiiba halka haweenka ay yihiin boqolkiiba 45.
Dadka ay da’doodu ka sarreysay 58 sano ee helay tallaalka labaad ee COVID19 ayaa ah 227,686,
Saraakiisha caafimaadka waa 126,309, macallimiinta waxay yihiin 110,342 , ciidamada ammaanka 61,108 halka 220,822 ay yihiin qaybaha kale ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments