Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Taalibaan oo ku dhawaaqday in dagaalka Afghanistan uu dhammaaday 20 sano ka...

Taalibaan oo ku dhawaaqday in dagaalka Afghanistan uu dhammaaday 20 sano ka dib

Kooxda Talibanka ayaa ku dhawaaqday in dagaalka Afghanistan uu dhammaaday kadib markii dagaalyahannadoodu ay gudaha u galeen magaalada caasimadda ah ee Kabul oo ay la wareegeen aqalka madaxtooyada, islamarkaana madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay.
Afhayeen u hadlay xafiiska siyaasadda ee ururka Taaliban oo lagu magacaabo Maxamad Naciim ayaa warbaahinta Al Jazeera u sheegay in kooxdu aysan doonayn inay kalinimo ku maamullaan dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in nooca iyo qaabka dowladda cusub ee Afghanistan dhawaan la caddeyn doono.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay xiriir nabadeed oo caalami ah.
“Illaahay baa mahad leh, dagaalkii waa uu dhammaaday,” ayuu yiri Maxamad Naciim.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa galinka dambe ee maanta ka doodi doona xaaladda Afghanistan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments