Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Taalibaan oo qaarka u saaran inay si buuxda ula wareegto dalka Afghanistan

Taalibaan oo qaarka u saaran inay si buuxda ula wareegto dalka Afghanistan

Kooxda Taalibaan ayaa qaarka u saaran inay si buuxda ula wareegto dalka Afghanistan ka dib markii ay saaka qabsadeen magaalada weyn ee Jalalabad.
Waxaa ay magaalada muhiimka ah ee bariga Afghanistan ee Jalalabad la wareegeen iyadoo uunan dagaal dhicin.
Taalibaan ayaa sugaya amniga waddooyinka muhiimka ah ee isku xira magaaladani iyo wadanka Pakistan.
Tani ayaa ka dhigan in dowladda dhexe ee Afghanistan gacanta ku hayso magaalooyinka waaweyn kaliya caasimadda Kabul iyo toddobo caasimad goboleed oo ka mid ah 34-ta gobol uu wadanka Afghanistan ka kooban yahay.
Magaalada Jalalabad oo ay ku nool yihiin qiyaastii in ka badan 280,000 qof ayaa ka dhigan in Taalibaan ay la wareegtay waddooyinka waddanka Afgaanistaan ku xiriiriya dalka dariska ah ee Pakistan islamarkaana ay ku yaallaan goobo ganacsi oo istaraatiiji ah.
Maamulka madaxweynaha dalka Afghanistan Ashraf Ghani ayaa u muuqda inuu haysto fursado yar iyadoo ururka Taaliban ay isku diyaariyaan in ay dagaal ku qaadaan caasimadda Kabul.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments