Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baararka iyo makhaayadaha oo codsanaya in la dabciyo xeerarka Covid19

Baararka iyo makhaayadaha oo codsanaya in la dabciyo xeerarka Covid19

Ururka ay ku midoobeen baararka Khamriga, madadaalada iyo makhaayadaha ee loo soo gaabiyo (Perak) ayaa dowladda ka codsaday inay fududeyso xayiraadaha ka dhanka ah Covid-19 si ay u shaqeeyaan saacado dheeraad ah.
Madaxa fulinta ee ururkan Eunice Ogea ayaa sheegtay inay xaqiijinayaan in dhammaan macaamiisha goobahan ay u hoggansamaan xeerarka Covid19.
Waxaa ay intaa ku daray in baararka iyo maqaayadaha ay yihiin kuwa ugu dhaga nugul ee u hoggaansama tilmaamaha wasaaradda caafimaadka.
Ms Ogea ayaa dowladda ugu baaqday inay tixgelisaa codsigooda islamarkaana ay wakhti dheeraad ay sii shaqeeyaan.
Milkiilayaasha baararka iyo makhaayadaha ayaa sheegay in tallaabadi ay dhawaan dowladda dhexe ugu fasaxday gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ay raaci karaan tirada rakaabka ee ay qaadi karaan, islamarkaana ayagana dhankooda ay codsanayaan in ilaa xilli dambe ay shaqeyn karaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments