Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Francis Atwoli oo loo doortay guddoomiyaha sanduuqa wacyigelinta shaqaalaha adduunka

Francis Atwoli oo loo doortay guddoomiyaha sanduuqa wacyigelinta shaqaalaha adduunka

Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa loo doortay guddoomiyaha sanduuqa wacyigelinta shaqaalaha adduunka oo fadhigiisu yahay magaalada Sydney ee dalka Australia.
Waxaa uu xilkan sii hayn doona 3-sano ee soo socoto.
Mr. Atwoli ayaa la la filayaa inuu u safro magaalada Sydney ee wadanka Australia si uu halkaasi uga jeediyay khudbaddiisa ku aadan jagada loo doortay.
Bayaan uu soo saaay ku xieenka xoghayaha guud ee dallada COTU Benson Okwaro ayaa sheegay in Atwoli ay shalay doorteen ergoooyin ka kala yimid waddamada caalamka.
Ergooyinka doortay Atwoli ayaa sheegeen inay ku xusheen dadaalka naf -hurnimada iyo sidoo kale howl karnimadiisa.
Waxaa ay intaa ku dareen in iyagoo tixgelinaya inuu yahay xubinta ugu dheer ee ka shaqeeya ururka shaqaalaha adduunka oo isku xiraya shaqaalaha qaaradaha Afrika iyo Aasiya ay jagadan isaga u xusheen.
Ujeeddada laga leeyahay sanduuqa wacyigelinta shaqaalaha caalamiga ayaa ah in la abuuro wacyigelin ku saabsan arrimaha bulshada, dhaqaalaha, iyo siyaasadda.
Xilkan loo magacaabay xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa kusoo aadaya ka dib markii bartamiihii bishii Lixaad ee sanadkan loo doortay markii afaraad inuu noqdo xubin ka tirsan golaha maamulka Ururka Shaqaalaha Caalamiga (ILO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments