Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Eedeysane loo haysto inuu carruur dilay oo xabsiga ku sii jiri doono

Eedeysane loo haysto inuu carruur dilay oo xabsiga ku sii jiri doono

Maxkamadda magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu ayaa amartay in eedeysane lagu magacaabo Evans Juma Wanjala oo loo haysto inuu dilay 5 carruur ah xabsiga lagu sii hayo muddo toddobaad ah.
Tuhmanaha ayaa dilalkan gaystay 2019-kii iyo sanadkan 2021-ka.
Go’aanka maxkamadda ayaa fursad siinaya in ay kulan yeeshaan xubnaha guddi uu soo magacaabay xafiiska waaxda dacwad soo oogidda dalka si looga arrinsado dacwadaha lagu soo oogaya Evans.
Mid ka mid ah dambi baarayaasha dalka oo lagu magacaabo Peter Kamau ayaa xilli uu ka soo hormuuqday garsoore Naomi Wairimu sheegay in kulanka uu qabsoomi doono maalinka khamiista ee toddobaadka soo socdo si warbixin loogu soo gudbiyo maxkamadda.
Evans Wanjala ayaa maxkamadda dib loogu celin doonaa 23-ka bishan sideedaad.
Waxaa uu maxkamadda u sheegay in tan iyo markii la qabtay uu xabsi ku jiray balse ilaa iyo hadda uunan ogeyn waxa loo haysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments