Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxay kawada hadleen rw Rooble iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke?

Maxay kawada hadleen rw Rooble iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Nairobi.
Labada mas’uul ayaa la sheegay inay iska xog-wareysteen xaaladda dalka Soomaaliya ,doorashooyinka, dhacdooyin dalka horay uga dhacay iyo sida looga gudbi karo caqabadaha haysta hanaan socodka doorashooyinka.
Rw Rooble ayaa Cumar Cabdirashiid uga warbixiyay dadaallada ay Xukuumaddu ku bixisay hirgelinta arrimaha Doorashooyinka oo iminka ka socda dalka, lana soo doortay qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedraalka.
Dhanka kale Shalay ayay ahayd markii rw Rooble w uu la kulmay Safiirrada Beesha Caalamka, isagoo kala hadlay dhaqaalaha doorashada.
Waxaaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu kulamada sii wado ilaa iyo inta uu dib uga laabanayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments