Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo caddaalad u ballanqaaday qoys laga dilay labo wiil

Dowladda oo caddaalad u ballanqaaday qoys laga dilay labo wiil

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’I ayaa sheegay inay caddaalad heli doonaan xubnaha qoys ku nool ismaamulka Embu oo dhawaan laga dilay labo wiil oo walaalo ah.
Wiilashan ayaa la arkay iyagoo meyd ah ka dib markii ay xireen ciidamada booliska.
Wasiirka ayaa sheegay in la dardargelin doono baaritaanada ku aaddan arrinkan.
Ballanqaadan ayuu Matiang’i sameeyay xilli uu la kulmay qoyska Benson Njiru oo 22 sano jir ahaa iyo Emmanuel Mutura oo da’diisu lagu sheegay 19.
Dr. Matiang’i , taliyaha guud ee booliska Hillary Mutyambai iyo xeer ilaaliyaha qaranka Kihara Kariuki ayaa qoyska labada wiil ee la dilay u xaqiijiyay in saraakiisha booliska ee falkan lagu cadeeyo laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments