Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Doorashada Lix Kursi oo Aqalka Sare ee Soomaaliya ka tirsan ayaa Manta...

Doorashada Lix Kursi oo Aqalka Sare ee Soomaaliya ka tirsan ayaa Manta ka dhacaysa Dhuusamareeb

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Aqalka sare oo uu Maamulka Galmudug ku yeelayo Baarlamaanka Soomaaliya.
Shalay guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug waxaa ay diiwaangeliyeen 12 musharax oo ku tartami doona lixda kursi ee Aqalka sare, kuwaas oo manta dhaceyso doorashadooda.
Musharixiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadooda musharaxnio u jeedin doonaan Golaha Wakiilada dowlad Goboleedka Galmudug, iyada oo intasi kadib ay doorashada bilaaban doonto.
Xubnaha 12 musharax ay ee doorashada Maanta ku tartami doona ayaa qaarkood afartii sano ee la soo dhaafay waxaa ay kamid ahaayeen Xildhibaannada Aqalka sare, waxaana Magacyada musharixiinta ay kala yihiin.
Cabdi Axmed Dhuxulow,
Nuur Xasan Guutaale
2 Yuusuf Gelle Ugaas
Daahir Faarax Filidow
3 Siciid Siyaad Shirwac
Maxamed Daahir Maxamed
4. Samsam Daahir Maxamuud
Farxiyo Maxamed Guure
5. Cabdixakim Macalin Axmed
Ismahaan Cabdi Xuseen
6. Duniyo Maxamed Call
Qadro Cabdullahi Isxaaq
Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka galmudug lagu arkaya Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida oo amniga xaqiijinaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments