Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Baarlamaanka Soomaaliland oo Qaylo dhaan ka keenay Maandooriyaha oo ku soo badanay

DHAGEYSO:Baarlamaanka Soomaaliland oo Qaylo dhaan ka keenay Maandooriyaha oo ku soo badanay

Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah Golaha Wakiilada Cusub ee Soomaaliland oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargaysa ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliland ay hada Wajahayaan Halis weyn oo ka dhalanaysa Maandooriyaha oo hada si aad ah deegaanada Soomaaliland ugu fidaya.
Xildhibaaan Barkhad ayaa Waalidiinta ugu Baaqay inay si aad ah uga Warqabaan Marxaladkasta oo ay ku sugan yihiin Caruurtooda.
Barkhad Jaamac Batuun ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatooyinka ka dhasha Roobabka Wuxuuna bulshada ku nool Magaalada Hargaysa ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka oo Dabdamisku ugu Horeeyaan isagoona Balan qaaday inay Baarlamaanka Horgaynayaan Mooshin Mushaaraadkooda iyo daryeelkooda kale lagu Kordhinayo.

Dhanka kale Ciidamada Amaanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed Puntland gaar ahaan kuwa ka Howlgala Degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa Gacanta ku dhigay Koox Maandooriyaha ka shaqaynaysay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada burtinle ayaa Warbahainta Faahfaahin ka Siiyay Maandooriyaha iyo Ragii Watay oo qaarkood la dhaawacay ee ay Ciidamada Amaanku gacanta ku dhigeen.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments