Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Warbixino Dheeraad ah Nin Xirtay dharka Dumarka si uu imtixaan ugu sameeyo saaxibtiisa oo...

Nin Xirtay dharka Dumarka si uu imtixaan ugu sameeyo saaxibtiisa oo la qabtay

Wiil dhalinyaro ah oo Afrikaan ah ayaa dhawaan la xiray kadib markii uu isku dayay inuu u gudbo sidii haweeney isagoo isku dayaya inuu saaxibtiisa u sameeyo imtixaanka qalinjebinta.
Khadim Mboup oo 22 jir ah, oo ah arday dhigta Jaamacadda Gaston Berger de Saint-Louis, ee Diourbel, Senegal, wuxuu ku guulaystay inuu khiyaaneeyo macalimiinta iyo kormeerayaasha xarunta imtixaanka Baccalaureate (imtixaanka qalinjabinta dugsiga sare) isagoo iska dhigay gabadh muddo saddex maalmood ah oo uu u sameeyay imtixaanka.
Mboup wuxuu xirnaa timo dhaadheer oo buluko ah iyo garbasaar dhaqameed , dhago, labis, rajabeeto iyo waxyaabaha ay gabdhaha ku qurxiyaan wajiga ee make-up si uu ugu gudbo fasalka , uguna sameeyo imtixaanka qaran saaxibtiisa oo lagu magacaabo Gangué Dioum oo 19 jir ah.
Markii ay u muuqatay in qorshaha labadan qof ee isjecel uu shaqaynayo, mid ka mid ah kormeerayaasha ayaa arkay wax aan caadi ahayn oo ku saabsan Khadim, waxaana la ogaaday aqoonsigiisa dhabta ah.
31 -kii Luulyo, booliiska ayaa looga yeeray xarunta imtixaanaadka waxaana Khadim Mboup lagu eedeeyay khiyaano.
Wuxuu u kaxeeyay mas’uuliyiinta saaxiibtiis, oo si aamusnaan ah ugu sugaysay qol ay kireesteen, lamaanahana waa la xiray.
Mboup wuxuu qirtay dembigiisa, laakiin wuxuu ku andacooday inuu sidaasi u sameeyay jaceyl uu u qabay saaxbtiisa.
Dhacdadani ayaa ahayn mid ku cusub dalkaasi iyo weliba caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments