Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baarlamaanka oo baari doono lacago dheeraad ah oo laga qaado waalidiinta ay...

Baarlamaanka oo baari doono lacago dheeraad ah oo laga qaado waalidiinta ay carruurta u dhigtaan dugsiyada

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha tacliinta ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socdo kulan la yeesho wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha.
Xubnaha guddigan ayaa doonaya inay xaqiijiyaan eedeymo loo jeediyay maamulayaasha dugsiyada oo ah in ay waalidiinta ka dalbadaan lacago dheeraad ah oo aynan dowladdu jaangoyn.
Tani ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah waalidiinta ay carruurtooda ku biirayaan fasalka koowaad ee dugsiyada sare ay walaac ka muujiyeen in laga dalbaday inay bixiyaan qarashaad aan lagu xusin warqadda qaabilaadda.
Guddoomiyaha guddiga tacliinta ee baarlamaanka dalka Ms Florence Mutua ahna wakiilka haweenka ee ismaamulka Busia ayaa sheegtay in ay arrintan baaritaan qoto dheer ku sameyn doonaan.
Waxay intaasi ku dartay inay sharci darro tahay in maamulayaasha dugsiyada ay waalidiinta ku soo rogaan qarashaad aynan ansaxin wasaaradda waxbarashada ee wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments