Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Ciidamo dheeri ah oo la geeyay deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud

Ciidamo dheeri ah oo la geeyay deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud

Taliska qaybta 21-aad gaar ahaan guutada 15-aad ee ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliya ayaa ciidamo dheeri ah geeyay deegaanka Ceeldheere iyo aagaga ku hareereysan kuwaas oo qayb ka qaadan doona sugida amaanka iyo xaqiijinta isku socodka gaadiidka adeegsada waddada isku xirta Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Howlgalada Ciidamadan iyo fadhiyadooda ayay kormeer wadajir ah ku soo mareen Taliyaha Guutada 15-aad Generaal Mascuud Maxamed Warsame, Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Galmudug, gaashaanle dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan iyo saraakiil sare oo uu ka mid yahay Xeer ilaaliaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug G/sare Cabdullaahi Maxamed Muuse keyse.
G/Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan, guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Galmudug ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay mas’uuliyad iska saaraan sugida amniga iyo fulinta amarada saraakiisha sarre.
Ceeldheere oo dhawaanahan ay ka howlgalayeen Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee Soomaaliya ayaa haatan u muuqata mid xasilloonideedii dib usoo laabatey kadib markii ciidamadu dagaallo xooggan la galeen Al-Shabaab oo dhowr jeer isku dayay in ay weeraro ka geystaan nawaaxiga deegaankan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments