Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gaadiidka dadweynaha oo laga billaabo maanta qaadaya rakaab buuxa

Gaadiidka dadweynaha oo laga billaabo maanta qaadaya rakaab buuxa

Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ayaa laga billaabo maanta waxaa raaci doono tirada rakaabka ee ay qaadi karaan baabuurtan .
Wasaaradda gaadiidka ee dalka ayaa sheegtay in amarkan la soo saaray si ganacsatadan looga fududeeyo culeyska uu ku yeeshay cudurka ka dib markii lagu khasbay in rakaabka ay ka dhigaan saddex meelood hal meel.
Hasa ahaate dowladda ayaa wacad ku martay in shirkadii aan ilaalin xeerarka lagula tacaalaya caabuqa sida nadiifinta gawaarida lagala laaban doono leesinka ay ku howlgasho.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna oo dhawaan qoraal soo saaray ayaa dhankiisa gaadiidleyda iyo rakaabka xusuusiyay inay ku baraarugsanadaan halista cudurka oo ay adeegsadaan afxirka iyo gacmo dhaqashada.
Tallaabada ay qaaday dowladda dhexe ayaa waxaa soo dhaweeyay mataatuuleyda dalka oo horay cabasho uga muujinayay dhaqaale xumo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments