Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Xarigga muwaadin u dhashay Turkiga oo abuuray hadal hayn siyaasadeed

DHAGEYSO:Xarigga muwaadin u dhashay Turkiga oo abuuray hadal hayn siyaasadeed

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dowladda ka dalbaday in aynan hay’adaha dambi baarista u adeegsan dano siyaasadeed.

Waxay uu hadalka Ruto ku soo beegmayaa ka dib markii la xiray ganacsade u dhashay Turkiga oo lagu magacaabo Harun Aydin kaasoo la sheegay inay saaxiibbo yihiin hoggaamiyaha labaad ee dalka.

Ganacsadaha ayaan ilaa iyo hadda wax dacwad ah lagu soo oogin in kastoo ay soo baxeen warar sheegaya in lagu tuhmayo argagixisanimo.

William Ruto ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in qof uu la leeyahay xiriir ganacsi uu argagixiso noqdo.

Waxaa dareenka Ruto mid la mid ah jeediyay xildhibaanka bariga Mumias Benjamin Washiali iyo dhigiisa Kikuyu Kimani Kichungwa oo xusay inay lagama maarmaan tahay kala saaridda siyaasadda iyo la tacaalidda falal dambiyeedyada si aan cabsi loogu abuurin maalgashatada

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo isna arrinkan wax laga weydiiyay ayaa sheegay inuusan xog ka hayn maadaama uunan ka tirsanayn dowladda.

Shalay ayay ahayd markii Harun Aydin la qabtay xilli uu ka soo laabtay safar uu ku tagay Uganda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments