Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya joojiyay in hay’addaha dowladda ay galaan heshiis

Madaxweynaha Soomaaliya joojiyay in hay’addaha dowladda ay galaan heshiis

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa joojiyay in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.
Madaxweynaha oo tixgelinaya duruufaha siyaasadeed iyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka wadanka, waajibaadka dastuuriga ah ee Goleyaasha Barlamaanka oo leh hubinta, xaqiijinta iyo qiimeynta heshiisyada iyo is-afgaradyada dalka uu la galayo dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ayaa soo saaray qodobbadan:
1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.
2. Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka Soomaaliya.
3. Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.
4. Sida ku caddeyd warsaxafaadeedkii kasoo baxay Madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya 19kii Jannaayo 2018 oo qeexayay inaan la bixin karin hantida danta guud, lana saxiixi karin heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka hantida danta guud.
5. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa faray dhammaan Hay’adaha Dowladda inay ilaaliyaan sharafka, qarannimada iyo horumarka lagu tallaabsaday sanadihii u dambeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments