Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Guddiga kala qaybsan ee gobollada Waqooyi oo maanta doorasho galaya

Guddiga kala qaybsan ee gobollada Waqooyi oo maanta doorasho galaya

4 kamid ah Xubnaha Guddiga Doorashada ee Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee uu soo magacaabay Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aanay ka qaybgelayn codbixinta guddoonka guddiga hirgalinta Doorashadaa oo la sheegay iney ka dhacayso teendhada Afisiyoone ee Magaaladda Muqdisho.
Xubnahaan ayaa sheegay in guddigaan markii hore uu ku yimid wadahadal, islamarkaana ay ogol yihiin in ay is doortaan kaliyah Siddeed xubnood oo laga saaro Saddexdii xubnood ee ka yimid dhanka xafiiska Rooble.
Garabka uu hoggaaminaayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay gelinkii dambe ee shalay in maanta ay dhici doonto doorashada Guddiga doorashada ka dib markii uu amray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Khilaafka ka taagan labada dhinac ayaa xoogeystay maalmihii lasoo dhaafay.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in guud ahaan uu kasoo horjeedo doorashada maanta lagu waddo in ay ka dhacdo Muqdisho, islamarkaana ay tahay mid baalmarsan Sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments