Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xaalada Corona Virus ee Garissa oo walaac laga muujinaya

Xaalada Corona Virus ee Garissa oo walaac laga muujinaya

Guddiga uqaabilsan xaaladaha COVID 19 ee ayaa walaac ka qaba tirada sii koedhaysa ee Virus oo laga xaqiijinaya dowlad deegaanka Garissa.
Kororka ku Yimid xanuunka ee Corona Garissa waxaa lagu eedeeyey dadweynaha oo la sheegay inaysan raaceynin awaamiirta ay dowladda soo saartay taas oo lagu xakamaynaya COVID 19.
Barasaab ku xigeenka garissa Abdi Dhaqane ayaa shaaca ka qaaday in afar qof ay u dhinteen Covid-19 24-kii saac ee la soo dhaafay Magaalada garissa.
Toddobo qof oo kale oo uu soo ritay xanuunka ayaa la dhigey qeybta HDU ee isbitaalka Magalaada Garissa iyada oo ay sagaal qof kale ay ka soo kabsadeen Covid-19.
Halka 11 qof oo dheeraad ah ayaa laga helay Corna ee Garissa ka dib markii baaritaano lagu sameeyay 93 qof .
Barasaab ku xigeenka ee Garissa waxaa uu bulshada ugu baaqay inay ilaaliyaan xakameynta iyo awaamiirta looga hortaga Viruska COVID 19.
Waxaa uuna ku booqriyay dadka reer Garissa inay booqdaan xarumaha caafimaad ee Ugu dhaw si ay u qaataan talaalka Covid 19.
Boaz Cherutich oo ah gudoomiyaha gudiga ka hortaga xanuunka ayaa sheegay in dhawaan ay shaqaalaha amaanka ismaamulka Garissa bilaabi doonaan dhaqan galinta awaamirta lagula dagaalamo xanuunka Corona Virus .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments