Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Christopher Wambua oo si ku meel gaar ah u sii haynayo xilka...

Christopher Wambua oo si ku meel gaar ah u sii haynayo xilka Ezekiel Mutua

Ezekiel Mutua ayay wararku sheegayaan in laga qaaday madaxa fulinta ee guddiga dowladda dhexe u qaabilsan taya-dhowrka aflaanta ee (KFCB) ka dib lix sanno oo uu xafiiska joogay.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in mr Mutua loo diray “fasaxa hawlgabnimo” taas oo ku timid sabab la’aan.
Christopher Wambua oo ka socda Maamulka Isgaarsiinta ee dalka ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay xilkani.
Ezekiel Mutua ayaa xalay beeniyay in xilkaasi laga qaaday isaga oo sheegay inuu ka war qabin arrimo noocaasi ah.
Waxaa uu ka jawaabayay qoraal uu soo daabacay seneterka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Jnr kaas oo ahaa in si sharci darro ah xilka looga xayuubiyay madaxa fulinta ee guddiga dowladda dhexe u qaabilsan taya-dhowrka aflaanta ee (KFCB).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments