Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo u tacsiyeeyay qoyska xildhibaanka Ruaraka

Madaxweynaha dalka oo u tacsiyeeyay qoyska xildhibaanka Ruaraka

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska xildhibaanka deegaanka Ruaraka ee ismaamulka Nairobi TJ Kajwang iyo senatarka dowlad deegaanka Homa Bay Moses Kajwang.
Tani ayaa timid ka dib markii uu geeriyooday aabaha siyaasiyiintan oo lagu magacaabi jiray David Ajwang’ Nyakwamba.
Mzee Nyakwamba ayaa geeriyooday galinkii dambe ee Arbacada isagoo 89 sano jir ah.
Hogaamiyaha wadanka ayaa sheegay in David Ajwang’ oo sanado badan macallin ahaa uu kaalin wayn ka soo qaatay horumarinta tacliinta Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska, ehellada iyo asxaabta TJ Kajwang iyo walaalkii Moses Kajwang.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments