Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maraykanka oo Iiraan ugu baaqay inay adeegsato dibloomaasiyad siyaasadeed

Maraykanka oo Iiraan ugu baaqay inay adeegsato dibloomaasiyad siyaasadeed

Dowladda Maraykanka ayaa madaxweynaha dalka Iiraan Ebrahim Raisi kula talisay inuu fursad siiyo dibloomaasiyadda siyaasadeed ee ay heshiiska ku yihiin wadamada caalamka.
Waxaa ay ka codsaday inuu ka shaqeeyo sidii dowladiisa ay dib ugu soo laaban lahayd miiska wada hadalka ee ku aaddan barnaamijka hubka nukliyeerka.
Sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii Iiraan iyo qaar ka mid ah wadamada ugu awoodda badan caalamka ay heshiis arrinkan ku aaddan saxiixdeen.
Waxaa xilligaasi la isku afgartay in xukuumadda Tehraan laga fududeeyo cunaqabateynta saaran iyadana ay hoos u dhigto heerka hubka nukliyeerka.
Hasa ahaate waxaa tan iyo mudadaasi jiray eedeymo uu Maraykanka u jeedinayo dowladda Iiraan oo ah inaynan daacad ka ahayn dhaqangelinta qodobadii lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments