Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda dhexe oo dugsiyada ku wareejinaysa 17 bilyan oo shilin

Dowladda dhexe oo dugsiyada ku wareejinaysa 17 bilyan oo shilin

Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa sheegay in la soo saaray lacag dhan 17.47 bilyan oo shilin taasoo loogu tala galay dugsiyada dowliga ah.
Dhaqaalahan ayaa la adeegsan doonaa xilli dugsiyeedka koowaad ee sanadka 2021 .
Magoha ayaa carrabka ku adkeeyay in 2.62 bilyan oo lacagtan ka mid ah lagu wareejinaya dugsiyada hoose dhexe halka 14.85 bilyan ay isticmaalayaan dugsiyada sare ee dalka.
Wasiirka ayaa dhanka kale maamulayaasha dugsiyada ku amray in aynan ardayda ka qaadin qarashaad ka badan qiimaha rasmiga ee ay dowladdu jaangooysay maadaama la yareeyay tirada toddobaadyada ay dugsiyadu shaqeynayaan.
Mudadan ayaa horay ahayd 39 toddobaad balse waxaa lagu soo reebay 30 taasoo keentay in la dhimo qarashaadka waxbarashada si waalidiinta looga fududeeyo culeyska.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments