Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto oo ka hadlay tallaabadii loogu diiday inuu u safro Uganda

DHAGEYSO:William Ruto oo ka hadlay tallaabadii loogu diiday inuu u safro Uganda

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Inooro FM ayaa sheegay in tallaabadii dhawaan looga hor istaagay inuu u safro wadanka Uganda ay ahayd mid looga gol-lahaa in lagu liido.
Waxaa uu xusay inay qayb ka tahay dadaallo ay qaar ka mid ah saraakiisha dowladda ku doonayaan inay muujiyaan awoodooda.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in horay loogu gacan bidixeeyay arrimo dhowr ah balse uunan diyaar u ahayn inuu furo dood arrimahaasi ku aaddan.
Waxaa uu sheegay in safarkii uu doonayay inuu ku tago wadanka Uganda uu ahaa mid shakhsiyeed sidaas awgeedna uunan cidna uga baahnayn inay u oggolaato.
William Ruto ayaa intaa ku daray in aan weligii loo sheegin inuu fasax qaato marka uu dalka dibadiisa u safraya.
Sidoo kale waxaa uu beeniyay in ganacsade ka soo jeedo dalka Turkiga uu sabab u ahaa in laga hor istaago safarkii uu qorsheystay.

Dhanka kale waxaa uu madaxweyne ku xigeenka Kenya si cad u sheegay inuusan xilligan la shaqeyn karin hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga isagoo xusay in aynan isku mabda’ siyaasadeed ahayn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments