Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweyne Ku xigeenka dalka William Ruto oo laga hor istaagay...

Madaxweyne Ku xigeenka dalka William Ruto oo laga hor istaagay inuu dalka ka baxo

Madaxweye ku xigeenka dalka William Ruto ayaa laga hor istaagay inuu wadanka ka ambabaxo oo uu aado dalka Uganda.
Arrintan ayaa waxaa si weyn uga carooday xulafadiisa.
Mr ayaa 3 saacadood lagu hayay garoonka diyaaradaha ee Wilson sababo aan cadeyn.
Hogaamiyaha labaad ee dalka ayaa markii uu tagay garoonka diyaaradaha ee Willson ee magaalada Nairobi waxaa loo sheegay inuusan duuli karin .
David Mugonyi afhayeenka xafiiska madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa sheegay in tani aysan waligeeda dhicin 9 sano oo uu Ruto xilka hayay.
Saraakiisha u qaabilsan laanta socdaalka ee ayaa ku wargaliyay Ruto inay fulinayaan awaamiir ka timid wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka.
Si kastaba ahaate Ruto ayaa doonayay inuu wadanka Ugaanda u aado arrimo isaga u qaas ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments