Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Puntland oo laga dalbaday in uu deg deg u soo gudbiyo...

Madaxweynaha Puntland oo laga dalbaday in uu deg deg u soo gudbiyo liiska Musharixiinta Aqalka sare

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed ee Puntland ayaa warqad codsi ah u diray madaxwaynaha dowlad goboleedkaasi Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo ku saabsanaa inuu soo gudbiyo liiska musharixiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Warqadda ay guddiga u direen Madaxweynaha Puntland ayaa u qorneyd sidatan.

Codsi soo gudbin Liiska musharixiinta u tartameya Golaha Aqalka Sare

Anagoo tixraaceyno heshiisyadii doorashada ee 17 September 2020, 1da October 2020, 27 May 2021 iyo 29 June 2021.
Anaga oo raaceyno sida shaxda doorashada loo dajiyay ee ku waqtiyaysan heshiisyadii iyo jadwalka doorashada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka.
Waxaan halkaan kuugu soo wadaagayaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska musharixiinta Aqalka Sare.
Mudane Madaxweyne anigoo ku kalsoon codsigayga inaad iga aqbali doontid, si aan ugudana waajibka na saran Qaran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments